Sunday, July 13, 2025

Sheekh Axmed Shaakir oo kala diray Maamulkii Ahlu suna ee Gobollada Dhexe [Dhageyso]

Madaxweynihii maamulkii Ahlu suna ee Gobollada Dhexe Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan oo hadda noqday wasiirka koowaad ee maamulka Galmudug ayaa kala diray maamulkiisii hore.

Kadib markii uu sheekha ku laabtay degaanada ururkiisu ka taliyo ayuu dadka kula hadlay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga guuray maamulkii Ahlu suna, haddana lagu midoobay maamulka la magac baxay GALMUDUG.

Sheekh Axmed Shaakir ayaa sheegay in midowga labada maamul  uu muruq u yahay dhinacooda iyo dadka ku nool degaanada Gobollada Dhexe, isla markaana uu murugo u yahay Alshabaab sida uu yiri.

Wuxuu caddeeyay in dadka weli ka horjeeda midowga labada maamul ay qancinayaan oo ay la fariisanayaan, wuxuuna shaaciyey in madax kala duwan oo imaan doonta magaalada Dhuusamareeb la soo dhoweeyo.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON