Sunday, July 13, 2025

Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi oo Imaam ka noqday Saaka Masjidka caanka ah ee Hagia Sophia

Sheekha caanka ah ee Soomaaliyed Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa saaka salaaddii Subax Imaam ka noqday oo dadka ku tujiyay masaajidka caanka ah ee Hagia Sophia ee ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sheekha ayaa lagu maamuusay inuu Imaam ka socdo masjidka. “Maanta oo ah 29/10/2020 salaaddii subax waxaa masjidka caanka ah ee “Aya Sofiya” muslimiinta ku tujiyey Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, taas oo ah arrin taariikh ah soomaalina sharaf u ah ummadaha islaamka dhexdooda..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris oo ka hadlay dhacdadaan.

Masjidkan oo 86 sano ahaa matxaf ayaa bishii July ee sanadkan waxaa dib loogu celiyey Masjid, iyadoo lagu furay salaadda Jimcaha, iyadoo ay halkaas isugu tageen dad aad u badan oo Muslimiinta Turkiga ah.

Dhismahan waxaa masaajid ka dhigtay dowladdii cismaaniyiin kaddib markii ay masiixiyiintii haystay halkaas ka qabsadeen sannadkii 1453-dii.

Sheekh Maxamed Idris ayaa bartiisa Facebook soo dhigay muuqaalka Sheekh Cabdirashiid oo masaajidka ka tujinaya salaadda:

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON