Qarax xoog leh ayaa ruxay Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxu ka dhacay Wadadda mashquulka badan ee Maka Almukarama, agagaarka hotel Weheliye.
Qaraxan ayaa ka dhashay miino lagu soo Gaari nooca raaxada ah oo uu lahaasheekh caan ah oo lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, horena u soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii kumeelgaarka ahaa.
Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geeddi ayaa SONNA u sheegay in qaraxa lagu xiray gaariga, halkaasna aysan ka dhalan wax qasaare ah oo soo gaaray Sheekha ama dadkii kale ee ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo aad u mashquul badneyd.
Wiil yar ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray markii uu haleelay firir kasoo baxay baabuurka qarxay, sida uu ku soo waramayo weriye goobta gaaray.
Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa ah aabaha dhalay wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ceynte, wuxuuna madax ka yahay mid ka mida ururada diiniga ah ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Majmaca Culimada Soomaaliyeed.
Goobjooge.com