Monday, July 14, 2025

Sheekh Caan ah oo ku baaqay in la Garaaco xildhibaanadii isku daya inay Mooshin Keenaan

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiyaha Gurmadka Abaaraha, haddana loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka Guddiga taakuleynta ciidamada ayaa ku baaqay in gacanta loola tago xildhibaanadii Mooshin ka keena dowladda Soomaaliya.

Isgoo ka hadlayay xaflad xalay ka dhacday Dugsiga sare Booliska ayuu ka digay mooshin laga cabsi qabo in laga keeno Xukuumadda Soomaaliya inaysan aqbali doonin mooshin dambe.

“Anabu diyaar uma nihin mooshin dambe, dadka waxay ku sheekeystaan caddow ayaa soo abaabulay, waxaa u sheegeynaa, ciddii aan ku aragno iyadoo mooshin wada meesha ay joogaan ayaa ugu galeynaa, waana garaaceynaa” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo xamaasad ay ka muuqatay.

Sheekh Nuur Baaruud oo ka mida culimada Soomaaliyeed ee ku milan dowladda Soomaaliya ayaa mowqifkiisa si weyn uga yaabiyay dadka, waxaana ka xumaaday xildhibaanno badan oo Sheekha ku tilmaamay inuu faragelin ku hayo shaqada Baarlamaanka.

Dowladda Farmaajo ayaa cabsi ka qabta Mooshin aan la ogeyn cidda wada, waxaana hareeyay welwel ku saabsan Mooshin suuqa la geliyay, taasoo keentay inay kiciyaan dadweynaha.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON