Monday, July 14, 2025

Sheekh Caan ka ah Dunida Islaamka oo lagu ganaaxay Xuquuqda Qoraalka Kitaab uu ku xad-gudbay

Sheekha iyo Daaciga caanka ah ee u dhashay Sacuudiga Sheekh Caaid Alqarni ayaa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 120-kun oo Riyaal, kadib markii lagu helay inuu ku xadgudbay kitaab uu qoray Sheekh kale.

Sheekhan oo ka mida culimada ugu waaweyn islaamka ee xilligan ayaa lagu soo eedeeyay inuu idaacad ka akhriyay casharo ku saabsan kitaabka uu qoray Sheekh C/raxmaan Baasha ee (صور من حياة الصحابة)  isagoo ka dhigay inuu isagu leeyahay.

Dacwadan oo muddo dheer socotay, isla markaana lagu guuldarreystay in si sulux ah loo dhammeeyo ayaa ugu danbeyn waxay maxkamad ku xukuntay inuu Sheekhu bixiyo 30-kun Riyaal oo ah xadgudubka fekerka Kitaabka iyadoo idaacadda laga sii daayay oo la joojiyo, iyadoo lacag gaareysa 120-kun oo Riyaal la siinayo Xarunta Islaamiga ee Kitaabka xuquuqdiisa leh.

Qareenka u doodaya dadka leh dhaxalka Shekh C/raxmaan Baasha ayaa sheegay in dacwad ay ka gudbiyeen Sheekh Qarni, taasoo ku saabsan inuu adeegsaday qeybo ka mida kitaabka oo uu magaciisa u adeegsaday, waxayna dacwadan socotay muddo 5 sano ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON