Waxaa magaalada Muqdisho caawa ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida ahaa culimada waaweyn ee Soomaalida.
Sheekh oo ku xanuusanaa maalmihii dambe caasimadda Muqdisho ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Martiini oo xaaladiisa lagula tacaalayey, waxaana uu ahaa Sheekh caan ah oo xubin muhiim ah ka ah Hay’adda culimada Soomaaliyeed, isla markaana si adag ula dagaalama afkaarta Alshabaab.
Geerida Sheekha waxaa xaqiijiyey qoyskiisa, gaar ahaan wiil uu dhalay, iyadoo wararku sheegayaan inuu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo Muqdisho kusoo laba kacleeyay.
Marxuum Sheekh Nuur Baaruud waxaa tacsi u diray mas’uuliyiin iyo dad badan oo Sheekh ku tilmaamay caalim weyn oo ka baxay dadka Soomaaliyeed.
