Friday, June 27, 2025

Sheekh Cali Wajiis oo Qeylo-dhaan kasoo saaray Wareysi uu ka qaaday Wargeys Sacuudi ah [Daawo]

Sheekh Cali Maxamuud Xasab (Wajiis) oo la sheegay inuu yahay La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ayaa ka daba yimid oo qeylo dhaan beenin ah kasoo saaray wareysi uu siiyey wargeyska Al-waddan ee dowladda Sacuudiga leedahay.

Sheekha ayuu Wargeysku soo xigtay in dowladda Soomaaliya ay ku tuhunsan tahay dowladda Qatar inay taageerto ururadda argagixisada sida Alshabaab, kadib warbixintii uu qoray Wargeyska New York Times ee caanka ah, kana soo baxa dalka Mareykanka oo Ganacsade Qatari ah ku xiriiriyey Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso Bishii May 2019. [Akhriso Warkan]

Sheekh Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wargeyska Al-wattan ee Sacuudiga uu fasiraad khaldan ka bixiyey wareysiga uu siiyey, waxa kaliya ee la weydiiyeyna ay ahayd 4 su’aal oo intooda badan ku saabsan arimaha Khaliijka iyo codkii laga duubay Ganacsadaha dalka Qatar u dhashay.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mida taageerayaasha madaxweyne Farmaajo oo tan iyo xilligii dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf soo ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ayaa ku eedeeyay weriyaha wareysiga la yeeshay inuu marin habaabiyey warkiisa, isagoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.

Sheekh Cali Wajiis ayaa xusay mowqifka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed ay ka taagan yihiin khilaafyada dalalka aan bahwadaagta nahay, mowqifkaas oo ku saleysan dhexdhexaadnimo iyo in laga shaqeeyo isu soo dhaweynta, heshiisiinta iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee lama huraanka u ah horumarka iyo xasilloonida Gobalka.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON