Monday, June 23, 2025

Sheekh Daahir Ow-Cabdi: “Waxaan ku leeyahay C/raxmaanow Diinta kuma jirtide, kusoo noqo oo towbad keen.”

Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ka mida culimada waaweyn ee degaanada Puntland, fadhigiisuna yahay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arrinta guuxa weyn dhalisay ee Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ugu gefay xadiis ka sugan Rasuulka SCW.

Isagoo khudbad ka jeediyey masjid ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayuu sheegay in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu yahay nin Axaaddiista Nebiga beeniyay, kana baxay oo Diinta, haddii uusan towbad keenin, markii uu faalso ku tilmaamay xadiis ka sugan Nebiga NNKH oo aan wax khilaaf iyo muran ah ku jirin.

“ Marka uu leeyahay cabdiraxmaan Axaaddiis faalso ah oo jeebka ay kala soo baxeen culimada, bay Haweenka ku durayaan…, hadalkaasi waa Riddo aad Diinta kaga bixi, waxaan ku leeyahay Diinta kuma jirtide Diinta ku soo noqo oo towbad keen” ayuu yiri Sheikh Daahir Aw-Cabdi oo siyaasiga ka dalbaday inuu aduunkiisa iyo aakhiradiisa ku ciyaarin.

Ad

Sheekha wuxuu sheegay in haddladda kasoo yeray C/raxmaan C/shakuur ay shabahaab kuwii uu hore u yiri Maxamed Siyaad Barre, iyo dad kale oo diinta lasoo dirirray, iyagoo ugu soo ganbanaya diinta Haweenku, kuna doodaya inay ragga la siman yihiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON