Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo ku sugan Magaalada Muqdisho, kana mida culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuusan siyaasi ahayn wax lug ahan ku lahayn siyaasad, isagoo si kulul ula hadaly qolooyin uu sheegay inay dano gaara leeyihiin.
Muuqaal uu soo dhigay bartiisa ayuu si weyn u naqdiyey dad uu sheegay inay diidan yihiin in la isu soo baxo oo la is cafiyo, wuxuuna caddeeyay in dad ay diidan yihiin is-cafinta iyo nuurka islaamka, wuxuuna dadka Muqdisho ugu baaqay inay soo baxaan maalinta Jimcaha oo uu muxaadaro diini ah ku qaban doono Garoonka Koonis.
Taageerayaasha dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku kala qeybsamay arrinta Sheekha, waxayna arrintan soo baxday kadib markii xildhibaan Mahad Salaad uu qoraal soo dhigay baraha bulshada uu ku sheegay in Sheekh Kenyaawi uu Muqdisho keenay madaxweyne Farmaajo. [Akhri Qormadan]
HOOS KA DAAWO