Thursday, June 26, 2025

Sheekh Kenyaawi: “Waa been Sawirka la baahiyey ee inuu ii hanjabay Abtigey xildhibaan Mahad Salaad” [DAAWO]

Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu imaatinkiisa magaalada Muqdisho ku yimid dowladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ujeedkiisu ahaa mid uu qalbigiisa keenay.

Sheekha ayaa sheegay in kaalinta ay ku leedahay dowladda barnaamijkiisa uu yahay mid amni iyo mas’uuliyadda dowladda ay leedahay, laguna eedeyn karin adaagga ay dowladda u sameyso shacabka.

Wareysi uu siiyey telefishanka Dalsan ayaa ku sheegay inuusan siyaasi ahayn, wax siyaasad ahna aanu ku dhex jirin oo kaliya uu yahay Daaci. “Dad baa i soo wacay oo arkay sawirro baraha bulshada lasoo dhigay oo la isu keenay, oo lagu been abuurtay walaalkey xildhibaanka ah ee Mahad Salaad isagoo bistoolad igu hayo, waxaan rabaa inaan u sheego inay been abuur tahay, waxba nama dhex marin, waxaasina kama suuragalaan.. wax ka jiro ma laha.., wax uu ii geystay ma laha, waan la kulmi doonaa naftiisa, waana is cafin donnaa.. ” ayuu yiri Sheekh Kenyaawi oo sheegay in Mahad Salaad uu yahay Abtigiis.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON