Monday, July 14, 2025

Sheekh Mukhtaar Roobow kulan la leh xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda K/Galbeed

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa uu shir uga furmay xildhibaanada labada Aqal ee Koofur Galbeed ee kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed iyo Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Masnuur oo dhowaan dowladda isu dhiibay.
Kulanka ayaa bilow u ah kulamo la sheegay inuu Mukhtaar Roobow la yeelanayo qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo isaguna uu kasoo jeedo.

Ciidamo fara badan ayaa sugaya ammaanka goobta uu kulanka ka dhacayo oo ah Hotel-ka Royal (Ex-City Palace) oo ku dhow xarunta lagu hayo Wadaadka ee NISA ku leedahay degmada Shibis.

Kulanka oo xilligan socda ayaa la sheegay inuu yahay wadatashi iyo is wareysi ku saabsan xaaladda Sheekha iyo waxa laga yeelayo mustaqbalka siyaasadda ee Sheekha oo dhowaan isu dhiibay K/Galbneed iyo dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegay inuu Sheekh Mukhtaar Roobow kulamo la yeelanayay maalmihii ugu danbeeyay madaxda dowladda sida Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Heshiis dhex mara Dowladda Soomaaliya iyo Sheekh Roobow ayaa socda iyadoo labada dhinac ay hortaallo waxa laga yeelayo Sheekha iyo doorkiisa, isla markaana looga hadlayo mustaqbalka ciidamada taabacsan ee ku sugan Gobolka Bakool.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON