Friday, July 18, 2025

Sheekh Mukhtaar Roobow oo Dhiigiisa ugu deeqay Dadkii ku dhaawacay Qarixii Muqdisho [Sawirro]

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ka mid noqday dadka iyo mas’uuliyiinta is barbar taagay dadka ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho.

Sheekh Roobow ayaa dhiig u shubay dadka dhaawaca ah ee yaalla isbitaallada Muqdisho, waxaana la arkayay isagoo dhiig laga shubayo, wuxuuna sheekha booqday isbitallada Muqdisho.

Madaxda sare ee dowladda, mas’uuiyiin iyo dadweyne ayaa hore dhiiggooda ugu deeqay dadka dhaawaca ah, iyadoo is barbar taagaya lana qeybsanaya murugada ka dhalatay weerarka bahalnimo ee Caasimadda Muqdisho ka dhacay.

Sheekh Mukhtar Roobow oo hore uga mid ahaa madaxda ururka Alshabaab ayaa isaga baxay dhowaan isagoo isu dhiibay dowladda, ilaa iminkana lama shaacin heshiis laga gaaray xaaladiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON