Diyaargarow lagu soo dhoweynayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa ka socda magaalada Baydhaba, xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Gabeed.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) uu maanta ku wajahan yahay magaalada Baydhaba, iyadoo halkaasi wadahadal uga bilaaban doono Sheekha iyo maamulka K/Galbeed.
Abuu Mansuur oo ay la socdaan xildhibaanno kasoo jeeda maamulka Koofur Galbeed ayaa tegaya Baydhaba, waxaana arrintan qabanqaabiyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wadahadal u socday dowladda Federaalka iyo Sheekh Roobow ayaan wax heshiis ah laga gaarin, waxaana Sheekha uu doonayaa in kooxdiisa taagero ka hesho dowladda Soomaaliya si uu ula dagaalamo Alshabaab.
Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu soo farageliyay arrinta Mukhtaar Roobow, isla markaana uu doonayo in Sheekha uu ka mid noqdo maamulka K/Galbeed, taasoo aan weli la isla meel dhigin.
Goobjooge