Sheekh caan ah oo ka mida taageerayaasha dowladda ayaa ku baaqay in xildhibaannada lacagta ku qaatay mooshinka laga wado madaxweynaha cunaha la qabto.
Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee abaaraha iyo kuxigeenka guddiga taakuleynta ciidamada iyo xubin ka mida guddiga gurmadka qarixii Soope, dhinaca kalena ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa weerarkii ugu weynaa ku qaaday xildhibaanadda ka horjeeda dowladda Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Isagoo xalay ka hadlayay bandhig loo sameeyay waxqabadka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayuu sheegay in loo baahanyahay in laga hortago Xildhibaannada Mooshinka wada oo uu ku tilmaamay inay yihiin caddow la mida Al-shabaab.
Sheekha oo hore hadallo ka careysiiyay xildhibaanada uga soo yeereen ayaa yiri: “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre waxaan leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin, illaa ay ka bakhtiyaan.. waa in la iska dhiciyaa kuwa wada mooshinka ee khalkhalka abuuraya”.
Weerarka Sheekha ku qaadaa xildhibaanada mooshinka ka wada madaxweynaha ayaa soo baxay iyadoo Goobjooge.net ay kashiftay qorista mooshin laga wado madaxweyne Farmaajo oo magaalada Muqdisho ka bilowday, waxayna arrintan hareysay xafladii bandhig ga ahayd ee xukuumadda loo qabtay.