Monday, June 23, 2025

Sheekh Shaakir oo Guriceel kasoo saaray Digniin ku socota ciidamada Dowladda Federaalka

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ee hoggaaminaya ciidamadooda qabsaday magaalada Guriceel Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Digniin culus u diray ciidamada dowladda Federaalka, isgoo ka digay inay weeraraan magaalada Guriceel.

Shirkiisii jaraa’id ee uu ku qabtay Guriceel tan iyo intii uu qabsaday ayuu Sheekh Shaakir sheegay inuu soo dhoweynayo baaqyada nabadeed ee UN-ka iyo dhinacyad kala duwan ee ku saabsanaa in la qaato nabadda, wixii tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal.

“Annagu cidna duullaan kuma nihin, ujeedkeenu waa Alshabaab. Waxaan leenahay ciidamada dowladda federaalka ha iska ilaaliyaan inay dagaal kusoo qaadaan magaaladaan Guriceel.. Waxaan ka digeynaa iyagoo dan gaara fulinaya inay weerar kusoo qaadaan Guriceel..” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo ciidamada dowlada ugu baaqay inaan loo adeegsan dagaal.

Ad

“Uma maleyneynin in shacabka Guriceel laga aarsanayo inay soo dhoweeyeen culimadooda.. Ciddii xabbad wado waa in la ogaado oo la joojiyo..” ayuu sheekh Shaakir inay wax lala yaabo ku tilmaamay in dagaal lagu soo qaado oo Alshabaab ay uga darnaadaan maamulka Galmudug.

Wuxuu ku baaqay in loo gargaaro dadka ka barakacay magaalada Guriceel ee u baahan taageerada, kuna tabaaleysan duleedka magaalada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON