Madaxweynihii hore, ahna guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ka adlay xaaladda ka taagan Muqdisho iyo dagaalada ka socda.
Sheekh Shariif oo la sheegay inuu xilligan ka maqan yahay dalka, kuna sugan yahay Imaaraadka ayaa si u cambaareynayaa weerarada ciidamada dowladdu ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo hogaamiyaha Xisbiga wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame.
“Dhibaatada weerarkaas ka dhalata mus’uuliyadeeda waxaa qaadaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada qaranka in aysan qaadan amarada khaldan ee lidka ku ah sharciga ciidanka iyo sharuucda kale ee dalka u degsan iyadoo aan uga digayno ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda” ayuu yiri Sheekh Shariif oo baaq u diray Farmaajo.
Sheekh Shariif wuxuu baaqiisa ku yiri: “Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday inuu joojiyo dhiigga daadanaya iyo qalalaasaha uu ka wado caasimadda, Dalkana uusan u horseedin burbur iyo qaran jab, xalkuna wuxuu jiraa in dalku doorasho aado..”
Wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya aanu ka furneyn xal aan ahayn wadahadal iyo isqancin xilligan, “Haddii ciidan iyo dagaal ooganimo wax lagu helayo kuwa isaga ka xoog iyo hub badnaa ayay dadka Muqdisho barqad cad iska xureeyeen” ayuu yiri
Shacabka Soomaaliyeed na waxaan ugu baaqaayaa in ay loo wada istaago sidii dalkaan looga badbaadin lahaa in uu dib ugu laabto meeshii adkeyd ee laga keneey, oo si wadajir ah looga hortago khatarta taliska xilligiisu dhamaadey.
