Monday, July 7, 2025

Sheekh Shariif: “Labadii Doorasho ee Farmaajo ka qeyb galay ma jirin cid dhibtay, hadda waxaan leenahay…”

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, haddana guddoomiye u ah midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu Doorashada dhexda u dhigo Musharixiinta.

Sheekh Shariif oo ka hadlayey gabagabadii shirka Mushirixiinta Muqdisho ayaa yiri: “Madaxweyne saaxiibkey Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu dalkan ka galay laba doorasho, iyo tan saddexaad oo isagu madax hadda yahay.. waxaan ku weydiineynaa Madaxweynow waxa ku dhibay miyaa aragtay..? Tabeelle miyaa laguu diiday..?. Madaxweyne waxaan ku leenahay Doorashada dhexda noo soo dhig..? dagaal miyaa taasi…? madaxweynaha wuxuu naga haleeyay waan ka cafineynaa.. waxaan ka rabaa inuu Doorashada dhexda noo soo dhigo. “

Wuxuu sheegay in qodobadda kasoo baxay shirka Musharixiinta ay dhammaantooda ku saleysan yihiin in laga waantoobo dhaqanka wanaagsaneyn ee boobka Doorashada, wuxuuna caddeeyay inay xaqiiqsadeen haddii xaaladu ku sii socoto sida ay hadda tahay inay keeni karto qalalaase.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON