Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, haddana hoggaamiya xisbi cusub oo lagu magaaabo Himilo Qaran ayaa ayaa goor dhoweyd ka soo degay magaalada Muqdisho.
Shariif Sheekh waxaa garoonka diayaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee xukuumadda iyo Baarlamaanka iyadoo uu horkacayey Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), waxaana uu ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay.
Dadweyne isugu soo baxay soo dhoweynta Sheekh Shariif ayaa tubnaa wadadda garoonka Muqdisho tagta, waxaana kadib la geeyay guriga uu ka degan yahay agagaarka garoonka Muqdisho, halkaasoo khudbad kooban oo mahadcelin u badan halkaasi ka jeediyey.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu dadka ku soo dhoweynayo xisbiga Himilo oo ujeedkiisu yahay inuu dalka hore u iio wado, wuxuuna ka cudurdaartay ciriiriga iyo xaaladda adkeyd ee laga kulmay soo dhoweyntiisa.


