Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaaminaya xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif oo dhowr jeer Muqdisho yimid, isla markaana xiriir dhow la leh madaxda dowladda Soomaaliya sida Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa socda qabanqaabada soo dhoweyntiisa oo taageerayaashiisa ay ku howlan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Somalia ay u dejisay qorshe ay uga qeyb galeyso soo dhoweyntiisa oo ay qeyb ka noqon doonaan wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan labada Gole, waxaana la sheegay in Madaxtooyada looga diyaariyey qabilaad isagoo la kulmi doona Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Ujeedka madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif ayaa ku saabsan shirweyn uu Xisbigiisa Himilo Qaran ku yeelan doono magaalada Muqdisho si loo doorto madaxda xisbigaasi.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa looga adkaaday labadii doorasho ee u danbeysay markii uu xilkiisii dhammaaday sanadkii 2012, waxaana weli uu yahay musharax madaxweyne sida ka muuqata.