Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaaminaya Madasha Qaran ee Xisbiyada mucaaradka ayaa maanta ku laabtay magaalada Muqdisho, kadib muddo laba bilood ah oo uu ku maqnaa Imaaraadka Carabta, kadibma soo maray dalka Kenya.
Isagoo xaruntiisa kula hadlayey taageerayaal soo dhoweeyay ayuu sheegay inay wax lada xumaado tahay xaaladda Amniga caasimadda oo dadku aysan Caruurtoodii banaanka u bixi karin cabsi laga qabo in la afduubto oo xubnahooda la iibsado, iyadoo markii hore ay jiray cabsi amni oo ku saabsan Alshabaab.
‘Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqeynaa inay shaqadooda qabsadaan oo waajibaadkoodu gutaan, kuna mashquulin shaqooyinka aan loogu talogelin..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka kufsiga ee soo noqnoqday.
Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay qabtaan Doorasho xor iyo xalaal ah, mar haddii doorasho dadban la qaatay inay dalka ka dhacdo, iyadoo mugdi hore uga jiray doorashada.
Wuxuu farriin u diay madaxda dowladda Federaalka inay fuliyaan heshiiskii doorashada ee ay galeen, dalkana aysan eed ka gelin, mar haddii aan la ogeyn cidda xilka ku guuleysaneysa.
