Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka iyo mowqifka ay ka qaadatay dowladda Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee arrimaha khaliijka uu yahay mid aan ka tarjumeynin danaha iyo masaaliixda dalka, laguna degdegay, isagoo ku dooday in Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ay Soomaaliya la leedahay xiriir qoto dheer oo aan loo burburi karin dowladda Qatar.
Sheekh Shariif ayaa warkiisu ku soo beegmay 3 bilood kadib markii ay go’aanka dhexdhexaadnimada qaatay dowladda Federaalka, kadib markii maamul Goboleedyada qaarkood ay ka hor yimaadeen.
Waxaa la ogyahay in Kooxdii Asmara iyo Maxkamadihii islaamiga ahaa ay taageero ka heli jireen dalka Qatar, xilligaasoo oo Sheekh Shariif uu madax u ahaa maxkamadihii islaamiga ahaa. laakiin xilliyadii dambe waxaa Shariifka u deganaa Imaaraadka oo Guri weyn, gaadiid iyo kharash ugu deeqday.

HOOS KA AKHRI FARRIINTA SHEEKH SHARIIF SOO DHIGAY BARAHA BULSHADA
ASC WALAALAYAAL
Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan la leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo burburin karin kaliya dowladda Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay taageerada dalkeenna.
Waxaan madaxda dowladda kula talinayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankooda, islamarkaana ay wadatashiyo kala yeeshaan Golayaasha qaranka iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka, ayna ilaaliyaan danaha istiraatiijiga ee aan la wadaagno dowladahaas.
MAHADSANIDIIN