Sunday, July 13, 2025

Sheekh Shariif oo weerar Afka ah ku qaaday Farmajo “Ma fiirsan karno Aniga & Xasan Sheekh in Dib loo celiyo Dowladnimada”

Waxaa goor dhoweyd magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ku dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed oo Madal ay midoobeen xisbiyadooda, waxayna ka hadleen xaaladda siyaasadda dalka iyo shirka Madasha Iskaashiga Somalia.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in nidaamka Federaalka uu halis ku jiro, isla markaana dowladda hadda ay jirta ay dalka ku wado kala tag iyo burbur, wuxuuna intaas u daray inay ka xun yihiin in shir lagu qato kaas weyn dalka lagu qabto iyadoo ay ka maqan yihiin maamul goboleedyo waaweyn, taasina ay keeni karto in halis ah in dalku kala tago.

Shariifka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inuu ammaankii faraha ka baxay ayna sii kordheen weerarrada Alshabaab, magaalada Muqdishana ay kala xiran tahay, iyadoo cid kasta la weydiinayo inuu dowladda u shaqeeyo, taasoo saameyn ku yeelatay ganacsigii, iyadoo dowladda hadda jirta laga waayey amni iyo cadaalad.

“Marka laga hadlo dhaliilaha dowladda dad badan waxay u fasiraan si aan habooneyn… in la dhaliilo dowladda waa waxa axsaabta loo sameeyay… Shacabka Somaaliyeed inta ay hadda heystaan dadaal, samir iyo dhibaatooyin fara badan,,, ma haboona in dib loo celiyo anagoo joogna.. Markii la doortay Farmaajo aniga iyo Xasan Sheekh Maxamuud dhinacyadiisa ayaan istaagnay, inaan la shaqeyneyno ayaa u ballan qaadnay laakiin dhinaciisa ayey ka shaqeyn weyday..” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Ma rabno in dalkan dib loo celiyo.. Dastuurkii wa la jebiyey,, khaladaadka jira oo halis ay u tahay in dowladnimada ay u dunto farta ayaan ku fiiqeynaa.. Qaranka marka uu dumayo qofka wax garta waa inuu ka hadlo… dowladnimada waa in la wada leeyahay.. dowladnimada .haddii ay noqoto in dad kooban ay gacanta ku hayaan oo waxay doonaan ka sameeyaan,, arrintaasi waxay keeneysaa qatar weyn..” ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Himilo.

“Ma aamusi karno, kama nabaqeyno wiilal yaryar oo masaakiin ah oo qurbaha jooga caydooda xaqa ugama istaageyno.. wixii aan kusoo dadaalnay marka ay dumayaan.. waxaan ku qasbanahay inaan hor istaagno..” ayuu yiri Sheekha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON