Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaradka, isagoo ku baaqay in si degdeg loo xaliyo arrintaasi.
Sheekh Shariif oo wareysi siiyay TV-ga Al Carabiya ee Sacuudigu leeyahay ayaa sheegay in dalalka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo mararka qaar gaaray inay Soomaaliya noqoto dalka labaad ee ganacsiga ugu weyn la leh Imaaraadka, wuxuuna soo jeediyay in xal loo helo khilaafka yar ee soo baxay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si weyn ugu amaanay dowladda Imaaraadka inay taageero dhinac waliba leh la garab istaagtay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka siiso dagaalka lagula jiro argagixisada.
HOOS KA DAAWO WAREYSI AL-CARABIYA LA YEELATAY SHEEKH SHARIIF
Wareysiga Sheekh Shariif ayaa laga hormariyey war ku saabsan in Imaaraadku joojiyey heshiiskii milateri ee kala dhaxeeyay Soomaaliya, waxaana warkaasi lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo oo taageero ka helaya Qatar uu doonayo inuu xumeeyo xiriirka labada dal.
Sheekh Shariif ayaa dhinaca kale wareysiga u adeegsaday inuu isku xayeysiiso isagoo sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu heer sare gaaray intii uu isagu xilka hayay, wuxuuna bogaadiyay madaxda Imaaraadka Carabta.
Dowladda Imaaraadka ayaa todobaadkan shaacisay in ay joojisay tababarradii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya, kadib xiisad ka dhalatay lacag dhan $9.6 Milyan oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho.