Monday, June 23, 2025

Sheekh Shariif: “Waxaan ka horjeednaa wax kasta oo lagu baajinayo doorashooyinka 2020/21..”

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inaysan madasha uu hoggaamiyo aqbali doonin, kana horjeedaan wax kasta oo lagu baajinayo Doorashooyinka 2020/2021.

Kadib kulan uu la yeeshay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayuu sheegay Sheekh Shariif inay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin: Sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka iyo Aragtidooda ah inaan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21.

“Madasha xisbiyada Qaran waxay diyaar u tahay ka qayb galka doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna kasoo horjeeddaa wax kasta oo lagu baajinayo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21 iyada oon ka digeyno in madaxda dowladdu marmarsiiyo u raadiyaan dib u dhigista dooraahada..” ayuu yiri Sheekh Shariif

Ad

Arrimaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, iyo in la iska kaashado ka hortagga cudurka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON