Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad ku baaqay in dalka laga saaro ciidamada Itoobiya ee aan ka midka ahayn AMISOM, kuna sugan Soomaaliya.
Qoraal Af-Ingiriis u qoran oo soo saartay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan tahay xadgudubka Qaranimada Soomaaliya iyo madax bannaanida Dalnimo ee lau sameeyay Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabateynta Q/MIdoobay ee hubka.
Madasha ayaa caddeeyay tirada dhabta ah ee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana lagu caddeeyay inay gaarayaan 19,626 askari, waxaana ay joogitaanka dalka u heystaan sharciyad ay ku howlgalaan illaa 28-ka bisha Febraayo 2021, si ay gacan u geystaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Madasha ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Golaha Amniga iyo Wakiilada Beesha Caalamka in dalka laga saaro ciidamada Itoobiya ee aan ka midka ahayn AMISOM, si gaar ahna arrimahooda loo eego.
Waa markii labaad ee Madasha Xisbiyada ay dalbadaan in cdiamada Itoobiya dalka laga saaro, iyagoo Madaxweynayaashii hore ay ka cabsi qabaan in ciidamada Itoobiya ay saameyn ku yeeshaan Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo aakhirka sanadkan 2020 iyi horaanta sanadka 2021.
