Tuesday, June 24, 2025

Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo la kulmay Imaamka iyo Ugaaska Beeshooda (Qodob muhiim ah)

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Beeshooda Mudullood.

Kulanka oo ahaa mid gaara ayaa ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxa kaloo ka qeyb galay xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, iyadoo Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle ay kala hadleen siyaasiyiinta xaaladda dalka shirweyne Beeshu yeelan doonto.

“Waxaan iska xog wareysannay xaaladda guud ee dalka si gaar ah waxaan uga hadalnay shirarka socda ee danaha iyo aayaha beesha mudullood oo aan dhaqanka u xaqiijinnay inaan taageereyno oo aan ka filayno wax beelaha mudullood iyo Soomaali wada anfaca inay ka soo baxaan..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal kasoo saaray kulanka.

Kulankan ayaa ka danbeeyay kulan dhowaan dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Imaam Maxamed Yuusuf, kaasoo madaxweynaha bogaadiyey in la joojiyey shirweynihii Beesha Mudullood.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa sidii qaban lahaa shirka beesha Mudullood ee loo ballansan yahay iyo sida go’aanno loo dhan yahay looga soo saari lahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON