Thursday, July 3, 2025

Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo War kasoo saaray kulankii dhex maray Guddoonka labada Aqal (Akhriso)

Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa War kasoo saaray kulan ay shalay la yeesheen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasoo looga hadlay arrimaha doorashada dalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA KASOO BAXAY

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ), mudane Sharif Sheikh Axmed iyo mudane Xasan Sheih Maxamud oo ka tirsan hoggaanka sare ee MXQ ayaa kulammo wadatashi ah waxay Axaddii (7 June 2020) la kala yeesheen labada guddoomiye ee labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal (Golaha Shacabka) iyo mudane Cabdi Xaashi (Aqalka Sare).

Hadafka kulammadan wuxuu ahaa in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo hoggaanka golayaasha sharci dajinta dalka, inay iska wareystaan xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan. Si gaar ah, waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka.

Dood iyo gorfeyn qoto dheer kaddib, waxay guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran isla garteen ahamiyadda ay leedahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla ummadda Soomaaliyeed xilligan, lana abuuro jawi deggan oo si kalsooni ku dheehan tahay loogu abbaari karo waajibaadka dastuuriga ah ee la xiriira doorashooyinka federaalka.

Sidoo kale, waxay labada dhinac isla qaateen in la ballaariyo wadatashiga, lana tixgaliyo baaqyada kasoo yeeraya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro xal ku dhisan isqancin iyo wada-oggol.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka wuxuu ka mahad celinayaa kulanka guddoonka baarlamaanka dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa inuu diyaar u yahay inuu amuuraha masiiriga ah ee dalka kala xaajoodo cid walba oo kamid ah saamileyda siyaasadda dalka.

Madasha Xisbiyada Qaran waxaa loo yagleelay ilaalinta dastuurka KMG ah ee dalka, midnimada gayiga Soomaaliyeed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee dalka. Tallaabo walba oo ay qaadeyso MXQ waxay noqoneysaa mid ku qotonta mabaadii’daas aasaasiga ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON