Thursday, June 26, 2025

Sheekh u dhashay dalka Kuwait: “Dhaawicii Mohamed Salah wuxuu ahaa Ciqaab uga timid xaga Alle, markii uu…”

Sheekh caan ka ah dalka Kuweyt ayaa shaaciyey hadal ku saabsan dhaawicii sida weyn looga dooday ee ciyaartii fiinaalka Horyaallada Yurub soo gaaray laacibka reer Masar ee kooxda Liverpool Mohamed Salah.

Sheekh Mubaarak Al-badaali ayaa kiciyey dood weyn oo ku saabsan dhaawicii soo gaaray ciyaaryahanka Mohamed Salah, isagoo sheegay inuu dhaawacaasi ahaa ciqaab dhinaca Alle uga timid laacibka markii uu soonkiisii u furay kooxda Liverpool iyo ciyaar darteed.

Sheekh ayaa intaas ku daray in qofka muslimka ah aan looga baaheyn inuu aamino in nolosha lagu maareyn karo caqli iyo dadaal, balse ay tahay inuu ogaado in nolosha ay ku jirto gacanta Alle si kasoo uu u dadaalo..

Arrintan ayaa qabsatay baraha bulshada waxaana baahiyey warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa carabta iyadoo ka mid noqotay dooda weyn ee ka dhalatay dhaawicii Mohamed Saalah oo raadkeeda weli suu muuqdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON