Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa sheegay inuu isagu dalbaday in la joojiyo muxaadaradii uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho oo ahayd mid markii horeba aanu ku talogelin ee laga codsaday.
Sheekh Umal oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn ah oo loogu qabtay galabta magaalada Muqdisho ayna kasoo qeyb galeen wasiiro, xildhibaano, Guddoomiyaha G/Banaadir, nabadoono iyo bulshada qeybaheed kala duwan ayaa ka hadlay in magaalada Muqdisho ay tahay magaaladiisii, oo aanay jirin cid ka xigsan karta.
“Arrintu ma aha wadaaddada ha lakala qabto ee waa wadaad ayaa khaldamay, waana in la qabtaa ninka khaldan…,” ayuu yiri Sheekh Umal oo sheegay inuu cafiyey dhammaan dadkii wax ka sheegay iyo kuwii baraha bulshada ku dacaayadeeyay, wuxuuna intaas sii raaciyey inay howlo badan u yaalleen Nairobi.
“Raali baan ahay.. ma ahi nin u dudsan muxaarado ayaa laguu diiday, mana qabo Magaalada Muqdisho ayaa laguugu takooray, mana qabo raali gelin inaan i siisaan.. markaan u jawaabayna waxaan iri Muqdisho waa magaaladeyda, marar kalena waan soo noqon doonaa..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Wuxuu sheegay in ujeedkiisa aaanu ahayn inuu muxaadaro dhigo, balse laga codsaday, isaguna uu sidaas ku yeelay, wuxuuna shaaciyey inuu la kulmay madaxweynayaashii hore ee dalka isagoo u sheegay inay dalka u turaan, maadaama uu yiri ma xamili karo mucaarado.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo caqli celinaya culimada ka hor timid ayaa farriintan u diray: “Laba arrin waa in la kala saaraa.. marka aad xertaada iyo masjidkaadka wax u akhrineyso waxaad Diin ahaan ku qanacsaan tahay u akhri.. Laakiin marka ay timaado maslaxda iyo danta guud Nin-na kama lihid umadda waa naga dhaxeysaa.. annaguna qeyb ahaan ka nahay umadda qaranimadeeda, wadajirkeeda, nabadeedda iyo sulxigeeda..”
Sheekha ayaa sheegay inuu isagu lahaa go’aanka baajinta muxaadarada iyadoo weliba ay dowladda ku adkeysatay, balse uu isagu diiday oo xitaa madaxweynaha uu ku qanciyey qisadii Cusmaan Bin Cafaan lagu dilay: “Dowladda oo ku madax adag ayaan anigu joojiyey muxaarada.. anigaa diiday xataa Madaxweynaya waxaan ku qanciyey qisadii Cismaan Bin Cafaan ee iyadoo lagu hareereysan yahay diiday in la ilaaliyo, sidaana lagu dilay..” ayuu yiri Sheekh Umal oo caddeeyay inuu ogoleyn sababtiisa in xita hal qof loo xiro.