Friday, June 27, 2025

Sheekh Xasan Daahir oo Weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Xarakada Alshabaab & Falalka ku dhaqmaan

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mida culimada Soomaalida oo kasoo mid noqday Alshabaab iyo Xisbul islaam ayaa farriin kulul oo uu soo diray ku weerarray kooxda Alshabaab iyo falalkooda.

Sheekha ayaa si aan caadi ahayn oo lahjad kulul ah u cambaareeyay tallaabooyinka Alshabaab ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna si weyn u difaacay Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo uu sheegay inuu abaal weyn u galay Alshabaab, ayna ka abaal dhaceen.

Fariinta Sheekh Xasan Daahir oo socaneysa muddo 53 daqiiqo ayuu si weyn u cambaareeyay dilalka Al-shabaab u geystaan odayaasha, culimada iyo dadka waxgaradka ah.

Sheekh Xasan Daahir ayaa Alshabaab ku  eedeeyay inay keligood islaam iska dhigeen oo qofkii ka feker duwanaaday ku tilmaameen murtad, wuxuuna caddeeyay inay dalka geliyeen xaalad ka xun dowladii Siyaad Barre oo culimada ugaarsan jirtay markii cidna dhaafi waayeen oo qof waliba dil kula kaceen, loogana badbaadi waayay masaajidyadii iyo goobihii cilmiga, dacwadii diintana ay joojiyeen.

Sheekha oo mararka qaar adeegsanayey ereyo aad u adag ayaa  Alshabaab si weyn ugu dhaleeceeyay dhibaatada ay ka wadaan Soomaaliya iyo manjahooda khaldan ee ay ku socdaan, wuxuuna talo ugu soo jeediyey inay ka tanaasulaan fekerka khaldan ee ay diinta ku rogeen.

Sheekh ayaa weli xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya isagoo degan magaalada Muqdisho, wuxuuna mararka qaarkood soo duubaa farriimo maqal iyo muuqaal ah oo xaaladaha dalka uu uga hadalayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON