Sheekha ugu caansan culimada ay leeyihiin Alshabab Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa lagu arkay munaasabadii Ciidul Fitriga ee ka dhacay degmada Saakow ee Gobolka J/Dhexe.
Fu’aad Shongole ayaa ahaa qofka kaliya ee muuqaalkiisa ay soo bandhigeen Alshabaab, wuxuuna khudbad ka jeediyay salaadii ciida kadib magaalada Saakow, isagoo ka hadlay dagaalka Alshabaab kula jirto dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM iyo xaaladda guud ee dalka.
Sheekhan ayaa wax xil ah ka heynin hoggaanka sare ee Alshabaab, laakiin wuxuu ka tirsan yahay maktabka dacwadda ee Xarakada oo qaabilsan soo xareynta iyo niyad dhiska maleeshiyada Alshabaab, wuxuuna muddo dheer ahaa nin arrintaasi ugu xil saaran Alshabaab.
SAWIRRADA




