Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd ka dhoofay Garoonka diyaraaradaha magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay inuu halkaasi uga qeyb galayo Shir madaxeedka Urur goboleedka IGAD ee magaalada Addis ka dhici doona, kaasoo markii ugu horeysay uu ka soo qeybgeli doono madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk, kadib markii dalkasi dib ugu soo biiray IGAD 20 sano kadib.
Shirka IGAD ee Addis ayaa ku soo beegmaya iyadoo horumar weyn laga gaaray nabadda Geeska Afrika, kadib heshiiskii Itoobiya iyo Eritrea iyo nabadeynta dalalka Jabuuti iyo Eritrea, waxaana sidoo kale halkasi la keeni doonaa heshiiska Koonfurta Suudaan.
Waxaa lagu waddaa in Shirka lagu falanqeeyo Is bedellada ka dhacay Gobolka iyo dib u heshiisiinta dowladaha Eritrea iyo Itoobiya oo dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiga ahaa.
Dowladda Eritrea ayaa laga saaray xubinimada urur Goboleedka IGAD Sanadkii 2007-dii.