Shir sanadeedkii Madasha Mac-hadka Heritage oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Garowe ayaa dib u dhac ku yimid, markii la filayey maanta inuu furmo.
Agaasimaha Hay’adda Heritage C/rashiid Xaashi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in markii xaruntii loogu talogala shirka ay qaadi weysay uu madaxweynaha Puntland soo jeediyey in loo wareejiyo xarunta Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe, sidaasina uu dib ugu dhacay maalinta berri ee Arbacadd 30-ka Disembar 2020.
Dad gaaraya ilaa 500 qof ayuu sheegay inay kasoo qeyb galeen shirka, si aad ahna looga soo qeyb galay, taasina ay ahayd sababta keentay inuu buux dhaafo hoolkii loogu talogalay, waxaana shirka jooga qaar ka mida madxda dowlad Goboleedyada, Ra’iisal wasaare ku xigeenka, madaxweynayaashii hore, Ra’iisal wasaarihii hore Siyaasiyiin iyo mushariixiin.
Shir sanadeedka Heritage ayaa looga hadlayaa arrimaha: Amniga, Doorasho Qof iyo Cod ah sida lagu gaari karo iyo hirgleinta Federalism-ka, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo ay cakiran tahay qabshada Doorashadii Soomaaliya 2020/2021.
