Shirarka xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa isku bedelay qaar doodo kulul la isku weydaarsado, iyadoo aanu jirin ajende looga hadlayo Golaha.
Kulanka maanta ee xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa la sheegay in xildhibaannada ay dhageysanayaan akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Tirakoobka Qaranka.
Waxaa la filayaa in akhrinta sharcigan kadib ay dib u bilaabato khudbadaha ay isku weerarrayaan xildhibaanada iska horjeeda oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amniga ee dalku marayo.
Xildhibaannada taageersan hoggaanka dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda ayaa dooda kulul ee u dhaxeysa ay gaartay inay isku tilmaamaan tuugo iyo dembiileyaal, taasoo ay ugu wacan tahay guddoonka Golaha Shacabka oo meel iska dhigay mooshino dhowr ah iyo ajendayaal horyaalla oo aan marna lagu soo darin ajendayaasha Baarlamaanka.