Shirkii Magaalada Brusells ee arrimaha Ammaanka Soomaaliya iyo xoojinta ciidanka dowladda ayaa lacag loogu deeqay dowladda Soomaaliya.
Shirka ayaa dowladda Soomaaliya looga dalbaday inay meesha ka saaraan caqabadda hortaagan in la helo ciidamo Qaran oo Soomaaliyeed si ay ammaanka ugala wareegaan AMISOM, marka ay dalka ka baxdo mustaqbalka dhow.
Shirkaasi ayaa intii uu socday waxaa qodobada ugu muhimsan ee la isla gartay ka mid ahaa in €100 milyan oo euro oo deeq ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo in €80 milyan oo Yuuro Midawga Yurub uu ku bixiyo dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo in taageero joogta ah la siiyo ciidanka AMISOM.
Danjire Cali Saciid Fiqi, Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in shirka uu guul ku soo dhammaaday, iyadoo qorshaha xukuumadda Soomaaliya la tagtay ee dhismaha ciidamada la isla qaatay.