Friday, July 11, 2025

Shirka Garowe oo la isku afgartay Qodobadii laga Doodi lahaa iyo Caqabad la hordhigay oo.. (Akhriso)

Shirka Wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada uga socda Garoowe ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo wararkii ugu horeeyay ee shirka ay sheegeen la isku afgartay qodobadda looga doodayo shirka ee la doonayo in xal loo helo, laguna heshiiyo.

Madaxda ku shirsan magaalada Garowe ayaa dood dheer kadib isla gartay ajendayaal gaaraya 13 qodob oo shirka looga hadlayo, kuwaasoo kadib lagu heshiiyay in marka hore lagu heshiiyo qodobadda fudud ee aan waqtiga badan qaadneynin, kadibna loo gudbno ejandayaasha culus.

13-ka Qodob ee shirka looga hadlayo waxaa ka mida:

1- Sameynta Gole cusub oo ay ku mideysan Dwladda Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka (Maamul Goboleedyad)

2- In heshiis laga gaaro Sharciga Doorashooyinka

3- In laga doodo Xeerka Petroolka ee wax ka bedelka ay ku sameysay xukuumadda, kaasoo hadda la geeyay Baarlamaanka.

4- In loo midoobo dagaalanka lagula jiro Alshabaab

5- In Xal loo helo khilaafka Galmudug (Arrintan ayaa noqotay caqabad ay maamullada qaarkood ku doodeen in marka hore xal loo helo inta aan la guda gelin ajendayaasha kale

6- In Dib loo bilaabo la-axaajoodka Soomaliland.

Arrinta shirka hadda hortaalla ayaa ah sidii dib loogu mideyn lahaa Galmudug, iyadoo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay kala hadlayaa Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf sidii Baarlamaanka Galmudug loogu soo celin lahaa Cadaado, loona sameyn waqti kordhin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON