Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku baaqay shir madaxda maamul Goboleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo oo looga wadahadalyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay xaaladda Khaliijka.
Shirkan oo marka dusha sare laga eego mid niyad wanaagsan ka danbeyso oo xal lagu raadinayo waxaa ku hoos jira shirqool siyaasadeed oo halis ku ah dowladda Federaalka oo xilligan loolan hoose oo adag kula jira maamullada.
Nabadoonka Axmed Madoobe xaqiiqo ahaan maaha sida uu dusha sare uga muuqo ee ah inuu xal u raadinayo khilaafka ka dhex taagan xilligan madaxda federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaana laga yaabaa inuu ka mid yahay kuwa ugu adag ee xiriirka la leh Imaaraadka, inkastoo saaxiibadiis uu dheer yahay inuusan is caddeyn ama saxaafadda adeegsan, taasoo laf ahaanteeda ah biseyl siyaasadeed.
Shirka lagu baaqay ee maamul Goboleedyada ku yeelan doonaan magaalada Kismaayo ayaa dowladda Federaalka ku ah xaalad adag oo soo wajahday, iyadoo aanay u sahlaneyn inay ka qeyb gasho ama ka baaqsato.
Ugu yaraan 3 maamul Goboleed waxay si cad isugu dhacsan yihiin dowladda Federaalka oo horeba ula saftay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, halka maamulka Jubba la rumeysan yahay inuu la mid yahay, waxayna taasi ka dhigan tahay in qabsoomidda shirkaasi la macne tahay shirqool siyaasadeed oo dowladda Farmaajo ay u baahan tahay inay iska badbaadiso.
Haddii aanu shirkaasi baaqan, waxay dowladda Federaalka ku qasban tahay inay u dirto wafdi si aanay u dhicin in go’aamo lid ku ah laga soo saaro, waana tan keentay in la qorsheeyo wafdi hordhac ah oo xukuumaddu ay Kismaayo u dirto.
Arrinta culeyska ku heysa dowladda Federaalka ayaa ah in qorshaha shirka Kismaayo uu isku koobay maamulka Jubbaland oo aanay jirin wax la tashi ah oo uu la sameeyay dowladda, waxaana maalmaha soo socda la ogaan doonaa tallaabada ay qaado dowladda Federaalka.
Shirka Kismaayo wuxuu tijaabo kale u yahay hoggaanka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Kheyre iyo sida ay awood ugu yeelan karaan xalinta xasaradaha siyaasadeed ee soo wajaha oo qaarkood ay hore uga gaabiyeen in si fiican u maareeyaan.