Qaramada Midoobay ay qandaraas ku siisay shirkad lagu magacaabo SRT Marine Systems PLC inay ilaaliso xeebaha Soomaaliya, kalluumeysiga sharci darrada ah iyo Burcad Badeedka.
Shirkaddan ayaa shaacisay inay ku guuleysatay qandaraaska oo ay bixisay Q/Midoobay, iyadoo Qalab iyo khubaro geyn doonta Soomaaliya.
Dhaqaalaha ku baxaya heshiiskan ayaa waxaa waxaa gacan ka geysanaya Sanduuqa Counter Piracy Trust Fund, oo loo sameeyay la dagaalanka burcad badeedka Soomaalida.
Shirkadda SRT ayaa adeegsan doonta Dayac gacmeed iyo qabal dabagalka Maraakiibta qaabilsan si loo kordhiyo bedqabka gaadiidka badda ee Biyaha Soomaaliya, iyadoo la dagaalami doonta burcad badeedka iyo kalluumeysiga aan sharciyeysneyn.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan la shaqeyno hay’adda cuntada iyo beeraha aduunka ee FAO, si aan gacan uga siino dal kale inuu dhisto nidaamkiisa Badda iyo awoodda maamulka..” ayaa yiri guddoomiyaha shirkadda SRT Simon Tucker.
Lama oga heshiiskan waxa ay kala socoto dowladda Soomaaliya, iyadoo ay u muuqato in Hay’adda FAO ay gashay booskii dowladda xilli uu muran ka taagan yahay madaxda Soomaaliya u qaabilsan oo dowladda Federaalka ay dalbatay in xilka laga qaado.
Goobjooge