Madaxtooyada Soomaaliya ayaa joojisay qandaraas shirkad ay lahayd xaaskii madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Saadka siin jirtay Madaxtooyada.
Shirkadan oo dowladii Xasan Sheekh ay Qandaraaska siisay laguna magacaabo Aaran Irman General Trading ayaa la sheegay inay lahayd mid ka mida xaasaskii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana madax ka ah Sahro Maxamed Xasan.
Qoraal looga joojiyay Qandaraaska ayaa aakhirkii bishii hore ee April uu soo saaray agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole, kaasoo lagu soo afjaray qandaraaskii shirkadan, iyadoo Qandaraaska lagu wareejiyay shirkad kale oo lagu magacaabo Horn Logistics.
Madaxda Shirkii Qandaraaska laga joojiyay ayaa bilowday Dacwad ay saxaafadda u mariyeen madaxtooyada, iyagoo soo kiciyay odayaal ugu doodaya qaab beeleed, oo sheegay in Qandaraaska aan laga joojin karin shirkadda Aaran ama ay magdhow bixiso Madaxtooyada.
Ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay Madaxtooyada, iyadoo la ogyahay in heshiisyada dowladda iyo qandaraasyada lagu naasnuujiyo hadba eheleda iyo saaxiiibada madaxda markaas talada heysa.
QORAALKA HOOS KA AKHRISO