Shirkadaha Diyaaradaha ee isaga goosha Gobollada dalka ayaa shaqo joojin ku dhaqaaqay saaka garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii dowladda Soomaaliya ay shaqada ka joojisay mid ka mida shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya gobollada dalka oo loo diiday inay u duusho magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Guddi ay leeyihiin shirkadaha diyaaradaha ayaa shalay shaaciyey inay shaqa joojin sameynayaan hadii dowladda Soomaaliya aysan ka laaban go’aanka ay magaalada Doolow uga joojisay mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha, taasoo keentay inay xaaladdan saaka qaraxdo.
Waxaa istaahay duullimaadyadiiu bixi jiray Gobollada dalka, waxaana garoonka ku xayirmay boqolaal shacab ah oo ka dhoofi lahaa Garoonka. Amarka shaqada looga joojiyey shirkadda diyaaradda ayaa la sheegay inuu ka yimid Hay’adda NISA.
