Wednesday, October 21, 2020
More

    Safiirka Somalia ee Turkiga: “Guuleed waxaa Berri u bilaabmaya tababar kooban, kadibna dalkii buu ku noqonayaa..”

    Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Turkiga ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda wiilka Soomaaliyeed ee Guuleed Cabdi oo Turkiga lagu martiqaaday, iyo wixii uu kala kulmay dowladda Turkiga.

    Safiirka ayaa sheegay in Guuleed ay maalinta Berri u bilaabanayo tababar kooban oo labo maalmood socon doona, kadibna uu ku noqon doono Soomaaliya, isagoo dalka Turkiga ku noqon doona muddo yar kadib.

    Ad

    HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA SAFIIRKA

    Guuleed Aadan Abdi iyo Hooyadii Maryan si fiican baa Turkey loogu soo dhoweeyey.Turkey waxay ku yimaaddeen martiqaad rasmi ah oo ku marti qaaday Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalkan Turkey HE Mevlüt Çavuşoğlu.

    Shalay oo Axad ahayd Guuleed iyo hooyadii waxay magaalada Gaziantep kaga qayb galeen bandhig ama dabbaaldeg weyn oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka diyaaradaha noocyada kala duwan ee Turkey samayso oo sanadkiiba mar la qabto.Gaziantep waxaa ku soo dhoweeyey Selçuk Bayraktar oo ah ninka sameeya diyaaradaha iswada ee Drones ka wuxuuna Guuleed siiyey hadiyad Drone yar ah.

    Maanta oo Isniin ahaydna waxaa Ankara xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Turkey oo waqti fiican siiyey Guuleed iyo hooyo Maryan.Wasiirku wuxuu hadiyad u siiyey diyaarad yar oo drone ah oo ah nooc uu ku tababaran karo.Safaarad ahaan maanta waxaanu fursad u helnay in aanu qado sharaf u samayno Guuleed iyo hooyadii.

    Markii dambana waxaanu ku soo dhowaynnay oo ay soo booqdeen Safaaradda Soomaaliya ee Ankara. Guuleed berri waxaa u bilaamaya tabobar kooban oo labo maalmood socon doona. Ka dib dalkii bay ku noqonayaan, waxayna dalkan ku soo noqon doonaan muddo yar ka dib.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,050FollowersFollow
    5,645FollowersFollow

    TOP NEWS

    6 Milyan Doollar oo si Musuq ah loogu lunsaday Wasaaradda Caafimaadka Somaliya (Dhageyso Galka Baarista)

    Musuqmaasuq lacago Malaayiin Doolar ah lagu lunsaday ayaa ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhaqaale loogu deeqay horumarinta caafimaadka la marsiiyey...

    XOG: Wasiirada xilalkooda waayey iyo sababta mid waliba uga baxay Golaha Wasiirada (Akhriso)

    Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa xilalkoodii ku waayey 12 wasiir oo u...

    AKHRISO: Magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan Wasiirada cusub iyo Miisaanka shanta Beelood

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dahwaaqay Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 70 xubnood, haddaba waxaan isin...

    Imaam Max’ed Yusuf oo Digniin culus u diray Cali Mahdi. “Reer Imaam ha isku dirin, haddii kale adigoo sidaan..”

    Imaamka Beelaha Muddulood ee xilka sii haya Imaam Maxamed Yuusuf ayaa digniin culus u diray siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo Muqdisho ka...

    Maxaa Koonfur Galbeed looga reebay Qoraalka Ra’iisal wasaare Rooble u kala diray Maamul Goboleedyada..?

    Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa laga reebay qoraal uu Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya u kala diray maamul Goboleedyada Dalka.

    Imaam ay Beesha Abgaal isku khilaafsan tahay oo lagu duubay Hotel ku yaalla Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

    Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Imaam cusub oo Beesha Abgaal yeelato, kadib khilaaf in muddo ah ka taagnaa...

    Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka jawaabay su'aal ku saabsan diyaargarowga Doorashada ee mucaaradka oo muddooyinkan danbe la hadal...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!