Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Air Djibouti ayaa markii ugu horeysa maanta soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Shirkaddan Air Djibouti oo dhowaan dib loo howlgeliyay ayaa muddo 25 Sano ah howlgab ahayd, howsheedana lagu soo koobay dhinaca xamuulka, waxaase dib loo howl geliyay dhowaan.
Diyaaradda ayaa duullimaad toos ah ka billoowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho. Jabuuti Airlines, ayaa ka mid noqonaysa Shirkado duullimaad oo heer goboleed ee ka howlgala Soomaaliya.
Diyaaradda Turkish Airlines ayaa si toos ah uga howlgasha magaalada Muqdisho, iyadoo ay jidka ku soo jiraan shirkado kale.
Goobjooge.com