Madaxweynaha xilak sii haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameynayo heshiisyada dowladiisu la gashay shirkadaha kala duwan.
Xasan Sheekh ayaa ka hadlay markii ugu horeysay heshiisyada ay dowladiisu bixisay ee shirkado anjabi ah iyo kuwo Soomaali ah lagu siiyay qandraarsyo waaweyn, wuxuna sheegay in dib loo eegayo, qaarkoodka ay dhammaadeen, wixii loo baahdana laga noqon karo.
Waxaa uu sheegay in shirkadaha qaarkood ay dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah u joojisay ka dib markii ay fulin waayeen waxyaabihii looga baahnaa.
Wuxuu shaaciyay in Shirkadda AL-Beyrak ee gacanta ku haysa Dekeda Muqdisho aya dalbatay in dibn loo eego heshiiska ay ku maamuleyso Dekadda Muqdisho oo iyadu ay qabto dacwad.
Shirkadaha Turkiga ah ee maamula Dekadda iyo Garoonka Muqdisho ayaa la ogyahay in heshiisyada lala galay ay yihiin qarsoodi, waxaana heshiisyadaasi ay socdaan iyadoo la iska dhega tiray go’aan Baarlamaanku ku gaaray inaan shirkad lagu wareejin karin dekadda.
DHAGEYSO CODKA XASAN SHEEKH
Goobjooge.com