Thursday, July 17, 2025

Shirkadda Bancroft oo War Cad kasoo saartay Weerarkii Bariire [AKhriso War-saxaafadeed]

Shirkadda dhinaca ammaanka ee Mareykanka ee ka howlgasha Soomaaliya ee Bancroft ayaa war cad kasoo saartay weerarkii ka dhacay degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraal kasoo baxay shirkadda ayaa lagu beeniyay inay wax lug ah ku leedahay weerarka dadka lagu laayay ee ka dhacay Bariire, waxayna shirkadda sheegtay inay arkeen warar lagu sheegay inay qeyb ka ahayd weerarka, taasoo ah war waxba kama jiraan ah.

Shirkadda Bancroft  ayaa sheegtay inay la shaqeyso ciidamada AMISOM iyo kuwa DANAB oo aan howlgal ka Bariire qeyb ka ahayn, isla markaana aanay shirkaddu lahayn ciidamo dagaalama ee shaqadeedu tahay mid farsamo iyo tababar.

Qoraalka shirkadda ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay faafinta wararka been abuurka ah iyadoo shaqaalaheeda qaarkood ay ku naf waayeen iyagoo caawinaya dowladda Soomaaliya.

Odayaal  dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa ku eedeeyay shirkadda Bancroft  inay ka dambeysay weerarkii ka dhacay Bancroft.

AKHRISO QORAALKA

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON