Shirkadda Diyaaradaha Kenya ayaa dalbatay inay duulimaad ku timaado magaalada Muqdisho, iyadoo ku soo biireysa shirkadaha diyaaradaha ee taga Muqdisho.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Wasiirka Gaadiidka & Duulimaadka Kenya Mr. James, iyagoo ka wadahadalay arrintan.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay inay Kenya ka wadahadleen arrimo badan oo ku saabsan duulimaadka, iskaashiga labada dal iyo sidii shirkadda Kenya Airways uga shaqo bilaabi lahayd magaalada Muqdisho.
Shirkada diyaaradaha Kenya Airways ayaa ka mida shirkadaha ugu waaweyn Afrika, iyadoo ay dhibaatooyin ka heysteen dhinaca dhaqaalaha, waxayna Muqdisho u aragtaa suuq cusub oo ay ka faa’iidi karto.