Monday, June 23, 2025

Shirkadda IRN oo jawaab yaab leh ka bixisay Go’aankii Wasiirka Batroolka [Akhriso Qoraal]

Shirkadda Caalmiga ah e ee Isku xirka baaritaannada IRN oo ah shirkadda qabanqaabineysa shirka Shidaalka, Gaska iyo Macdanta ee Soomaaliya ayaa jawaab la yaab leh ka bixisay Warkii Wasiirka Batroolka iyo macdanta xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka C/rashiid Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan la socon shirka ay IRN qabanqaabineyso ee ka dhacaya Bisha Maarso magaalada Nairobi isagoo ku baaqay in la joojiyo.

Shirkadda IRN ayaa Qoraalkeeda oo maanta soo baxay ku sheegtay in bilo ka hor ay dowladda Soomaaliya ka heshay qoraal rasmi ah oo loogu fasaxay qabanqaabada shirka, isla markaana ay xiriiro kala duwan oo toos ah ay la lahayn xukuumadda.

Ad

IRN ayaa qoraalkeeda ku sheegay inay la yaabtay qoraalka Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uu soo saaray 5-tii bishan November isla markaana waxay rajeysay in arrintansi degdeg loo xaliyo.

Shirkadda waxay qoraalkeeda ku faahfaahisay dalal dhowr ah oo shirar noocan oo kale ah u qabanqaabisay, iyadoo shirka Nairobi muhiimad weyn u leeyahay Soomaaliya.

QORAALKA SHIRKADDA HOOS KA AKHRISO

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA BATROOLKA

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON