Tuesday, July 1, 2025

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaadkii ugu horeeyay maanta ka bilaabeysa Magaalada Muqdisho

Shirkadda Diyaaradaha Kenya ee Kenya Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeeyay ka bilaabeysa Magaalada Muqdisho, kadib dib udhac muddo laba jeer ah ku yimid.

Kenya Airways ayaa duulimad toos ah maalin waliba ku tegi doonta Muqdisho, iyadoo ka duuleysa Garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA), kana degeysa Garoonka Aden Adde International Airport.

Duulimaadka ugu horeeya ee maanta ayaa la sheegay inay kasoo duuli doonto magaalada Nairobi saacadda 1:00 pm, ayna Muqdisho u imaan doonto 1:45 pm. Waxayna dib ugu laaban doontaa Nairobi galabta 5:35 pm.

Diyaaradda ay adeegsan doonto Kenya Airways ayaa ah nooca Embraer 145 oo qaadaa  50 qof. Tikidhka oo markii hore qiimahiisa lagu sheegay qofkii Sh42,000 ($403) ayaa waxaa laga dhigay Sh22,000 ($218).

Kenya Airways ayaa ku soo biireysa shirkadaha Turkish Airways iyo Ethiopian Airlines oo si toos ah uga howlgala Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON