Thursday, July 3, 2025

Shirkadda Xawaaladda TAAJ oo ku guuleysatay Abaalmarinta Caalamiga ah ee ‘ACCPA Award’ 2019 [Sawirro]

Munaasabad lagu xusayo Xawaaladda Soomaaliyeed ee Taaj oo ku guuleysatay Abaal-marinta Xawaaladaha ugu fiican  sanadkan 2019 ee dhaqan galisa sharciyada caalamiga ah ee xawaaladaha  Afrika ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaabasadda waxaa ka qeybgalay gudddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka wasiirada Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyl ,Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayi ,Boosatada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole iyo mrti sharaf iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo si weyn u bogaadiyey horumarka shirkadda Xawaaladda TAAJ.

Abaal marinta waxaa shirkaddaguddoonsiiyey hay’adda ACCPA  oo ah mid ka mid ah sadexda  hey’adood ee ugu weyn dunida ee ka shaqeeya hubinta hufnaanta Maaliyadda. Maamulaha Xawaalada Taaj Cali Maxamuud Guuleed ayaa faahfaahin ka bixiyey sida abaalmarintaan ay ku heshay shirkadda.

“Waxaan abaalmarintaan uga  guuleysanay  waddamo naga hormarsan, waxaana ku gaarnay hubinta Bankiga  dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan” ayuu yiri Cabdulaahi Maxamed Sheekh

Guddoomiyaha Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf oo isna  ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in abaalmarintan ay usoo galeen dadaal wayn sidii ay u noqon lahaayeen xawaalada ugu fiican qaarada Afrika.

“Meel hoose ayay ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican qaaradda Afrika, Taaj hadii ay fiican tahay waxaa weeye Hormuud baa fiican waa hooyada Taaj iyo shirkaddo kale” ayuu yiri Axmed Maxamuud Yuusuf

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo iyo bogaadin uu ujeediyey Maamulka  xawaalada Taaj kadib  waxaa uu tilmaamay in  guusha ay gaareen ay  astaan u tahay halka ay  Soomaaliya ka taagan tahay Hufnaanta Maaliyadda Dalka.

”In nala aaminay waxaa astaan u ah guusha maanta ay gaartay xawaaladda Taaj, Xawaalada iyo bangigaba  lama ilaawi karo waxaana  ka shaqaynaynaa inaan u fududeyno wax walba oo ay u baahan yihiin.” Ayuu yiri wasiir C/raxmaan Beyle.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee  Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna yiri “Hambalyo ayaan leenahay shirkadda Taaj guusheeda waxaa sabab u ah maamulkeeda waana  ku amaanayaa”

Wasiirka Boosatada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada  Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan  ayaa waxa uu  sheegay in Abaalmarintaan ay tahay  guul wayn oo ay u soo hoyeen  dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed, Taasina ay dhiira galin u noqonayso  shirkadaha kale ee dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo Taaj ku dhiiragaliyay guusha ay gaartay ayaa  ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta shirkadaha isgaariisiinta iyo xawilaadaha.

“Hadii la dhihi jiray shirkadaha waxay la shaqeeyaan argagixisada waa been maantana waxay keeneen abaalmarintaan oo marqaati ka  ah inay si sharci ah u shaqeeyaan, dowladda waxaan leenahay masuuliyad iska saara ka jawaabidda dhibaatada ay ka cabanayaan shirkadaha maadaama ay tahay  dhibaato u baahan in xil la iska saaro” ayuu yiri Gudoomiye Cabdiwali ibraahim muudeey.

Sidoo kale masuuliyiin ka socotay Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo goobjoog ka ahaa munaasabada ayaa yana  bogaadiyey guusha ay gaareen shirkada xawaalada ee Taaj

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON