Friday, July 4, 2025

Wakiilada Beesha Caalamka oo Ra’iisal wasaaraha kula shiray Baydhaba & Arrimo xasaasi ah oo laga hadlay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo kulanka looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha Amniga, Siyaasadda loo dhan yahay, Dib u habeynta dhaqaalaha, xiriirka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo deegaanka ee muhiimka ay tahay in laga taageero si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka bulshada Koonfur Galbeed.

War uu faafisay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaan wax faahfaahin ah laga arrimaha looga hadlay shirka wakiilada Beesha caalamka iyo Ra’iisal wasaaraha, laakiin qoraal wadajir ah oo ay caawa soo saareen Beesha Caalamka ayay ku faahfaahiyeen ujeedada shirka oo ahaa diyaar garowga shirka Somalia Partnership Forum oo 1-2 Oktoobar ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha iyo . wakiilada Beesha caalamka ayaa isku waafaqay in in shirka soo socda in diiradda lagu saaro  tubaha ee dib habeynta siyaasadda, Amniga-cadaaladda, iyadoo mudnaanta la siinayo wadashaqeynta iyo isla xisaabtanka, taasoo u baahan tallaabo degdeg ah oo loo qaado xoojinta iskaashiga dowladda Federalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey hoggaanka Ra’iisal wasaare Kheyre ee taaba geliyey dib u heshiisiinta Galmudug, waxayna caddeyeen in dhammaan maamul Goboleedyada looga baahan yahay dib u heshiisiin loo dhan yahay; iyagoo ku baaqay in dib u heshiisiinta iyo nidaamka doorashada ee dowlad Goboleedyada ay lagu soo gabagabeeyo qaab aan qalalaase lahayn oo ku dhisan wadahadal iy is xushmeyn laga wada shaqeeyo danaha qaranka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON