Laba shirkadood oo Soomaal iah ayaa deeq toos ah garsiiyey dalka Turkiga, taasoo lagu kaalmeynayo dadka ku waxyeeloobay Dhulgariirkii dhowaan ka dhacay Gobolo ka mida dalka Turkiga, xilli dowlada Federaalka ku dhawaaqday olole loogu gurmnayo dadkaasi.
Shirkadaha Dahabashiil iyo Sunduspay oo hoostagta Taaj-ka ay leedahay Hormuud ayaa min 2 Milyan oo Lacagta Liiraha Turkiga ah ugu deeqay Hay’adda Maarekanka Musiinboyinka Turkiga ee AFAD, waxaana deeqdaasi gaarsiiyey safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.
Labada shirkadood ayaa guud ahaan bixiyay Shirkadah 4 Milyan oo Liire oo u dhigma lacag ka badan 200 kun Dollar, waxaana la guddoonsiiyey mas’uul ka tirsan hay’adda AFAD.
Dowladda Somaliya iyo Ganacsatada Muqdisho ayaa ku yaboohay lacag dhan 4 Milyan oo Dollar, halka mamaulka Gobolka Banaadir uu ballan qaaday Rubuc Milyan Dollar.
